Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed. Wasiir Cali Xoosh oo munaasabadda ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho xeerar la jaanqaadaya duruufaha jira, iyadoo la xoojinayo doorka iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta isagoo yiri: “Waa muhiim in dalku yeesho sharciyo la jaanqaadaya duruufaha maanta, iyadoo kor loo qaadayo ilaalinta xuquuqda da’yarta. Da’yarta Soomaaliyeed waa jiilasha mustaqbalka ee dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in sharcigani uu noqdo mid fursado u abuura da’yarta, isla markaana ilaaliya xuquuqdooda.” “Soo saarista sharcigan waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda da’yarta Soomaaliyeed,” ayuu intaasi raaciyey. Ugu dambeyn, munaasabadda lagu daahfuray Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed waxaa ka qaybgalay wasiirro XFS, bahda caddaaladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
WASAARADDA
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed. Wasiir Cali Xoosh oo munaasabadda ka hadlay ayaa adkeeyay