Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Danjire Cabdixakiim Ashkir iyo Agaasimaha Guud mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay Madasha 9-aad ee Dowladaha Hoose ee dalalka Bariga Afrika (EALGF), taas oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha gobolka iyo bahwadaagta horumarinta si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka u ah gobolka.

Madashan oo uu iskusoo dubbarideen Ururka Dowladaha Hoose ee Bariga Afrika ayaa lagu falanqeeyey madax-bannaanida dowladaha hoose, xoojinta nidaamka awood-qaybsiga iyo maamul-daadejinta iyo sahminda doorka ballaaran ee ay dowladaha hoose ka qaadan karaan isdhexgalka gobolka iyadoo halku-dheggu ahaa “Dardargelinta Madax-bannaanida Dowladaha Hoose: Jidadka Istaraatiijiyadeed ee Awood-siinta Dowladaha Hoose iyo Hubinta Ka-qaybgal loo Siman Yahay ee Ajendaha Isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika (EAC)”.

Wasiir Ashkir iyo Agaasime Cabdul oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay horumarrada ay Soomaaliya ka gaartay awood baahinta iyo maamul daadejinta, gaar ahaan dhismaha dowladaha hoose, iyagoo soo qaatay doorashooyinkii kala duwanaa ee shacabka sida toos ka ah ugu dooranayeen mas’uuliyiinta matali lahaa, waxayna adkeeyeen sida uu dalku diyaar ugu yahay wax la qeybsiga iyo dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.