Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay xubnaha golaha fulinta ee shabakadda qaran ee Nabad-dhiska Soomaaliya oo dhawaan la dhisay.
Kulanka oo ahaa soo dhoweyn iyo dardaaran ayaa Wasiir Xoosh ku dheeraaday howlaha laga sugayo shabakadda iyo ahmiyadda ay nabad-dhiska u leedahay Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxuu hoosta ka xariiqay in baahida u badan ee hadda jirta ay tahay nabad iyo kalaooni dhiska bulshada dhexdeeda isagoo adkeeyey in dowladda ay hortabin u tahay hirgelinta nabad iyo xasilooni waarta.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa hawlwadeenada wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee shaqadan gacanta ku hayay.