Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee hoggaanka Wasaaradda.

Shirkan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiru dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Wasiir ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo Agaasimaha Guud mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa logu falanqeeyey howlaha kala duwan ee wasaaradda.

Ajendeyaasha waxaa ugu muhiimsanaa adkeynta wadashaqeynta, dhameystirka hortabinta sanadka, diyaarinta howlaha sanadka soo socda, xoojinta isla xisaabtanka iyo hiigsiga natiijooyin wax ku-ool.