Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda iyo caafimaadka XFS ayaa maanta kulammo wadatashi ahbka yeeshay hirgelinta Nidaamka Dad-dhigista Mideysan iyo Diiwaangelinta Xaaladaha Madaniga ah (CRVS ee Soomaaliya taasi oo la xiriirta dardargelinta dedaallada kala duwan ee hurgelintiisa, iyadoo Wafdiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee kulamadan qeybta ka ahaa waxaa hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Abdulkadir Ali
Kulankan ayaa daba-socday kulankii farsamo ee 17-kii Oktoobar 2026 uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu isugu keenay hay’adaha Dowladda ee ay khusayso, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dhaqangelinta Sharciga Dad-dhigista iyo Diiwaangelinta Xaaladaha Madaniga ah iyo hirgelinta nidaam qaran oo mideysan.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarka iyo dadaallada uu Agaasinka Adeegyada Dad-dhigista ka sameeyey diyaarinta iyo horumarinta Nidaamka Dhijitaalka ah ee Dad-dhigista Mideysan, isku-xirka xogta hay’adaha Dowladda iyo muhiimadda ay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka ku leedahay taageeridda iyo fududeynta hirgelinta nidaamkan, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga iyo adeegyada qunsuliyadeed.