WASAARADDA

WASAARADDA

ARRIMAHA GUDAHA,

FEDERAALKA IYO DIB-U HESHIISIINTA

OGAYSIIS WEBSITE

Website-ka wasaaradda waa la cusbooneysiiyey, waxaana weli lagu sii wadaa horumarintiisa. Fadlan nala joog si aad u aragto isbeddellada cusub.

Nagu Saabsan

Sooyaalka, sharciga iyo doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

62+

Sano

29

Wasiir

8,000

Shaqaale hore

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waa tiirka maamulka gudaha, iskaashiga federaalka, iyo nabadaynta qaranka.

Asalka sharciga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa markii hore lagu dhisay sharciga la baxay “Ordinamendo governo” ee soo baxay Juunyo 3, 1962. Inkasta oo muddo magaceeda la beddelay, haddana waxaa dib loogu soo celiyey magaceeda Xeer Madaxweyne JDS lambar 14 ee 15 Maarso 1984, waxaana ay ku howlgashaa sharciga lambar 30 ee soo baxay 30.07.1984.

Maanta waxay ku shaqeysaa Dastuurka KMG ah ee Agoosto 1, 2012, iyadoo magaceedu yahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Xusuus-qor taariikheed

  1. May 1956 — la dhisay xukuumaddii maamulkii daakhiliga; Wasiirkii Arrimaha Gudaha wuxuu ahaa Xaaji Muuse Boqor.
  2. December 1958 — xukuumaddii labaad; Ra’iisul Wasaare & Wasiirka Arrimaha Gudaha: Cabdullahi Ciise Maxamuud.
  3. 1977–1984 — magaca loo beddelay Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
  4. 30 Luulyo 1984 — dib u soo celinta magaca iyo howlaha iyadoo la raacayo Xeer 30.
  5. 1 Agoosto 2012 — Dastuurka KMG ah; doorka federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa si rasmi ah loo xoojiyey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa mid ka mid ah tiirarka xukuumadda Soomaaliya. Waxay jirtaa in ka badan lixdan sano, waxaana ilaa hadda soo qabtay daraasiin wasiir ah. Burburkii ka hor, shaqaalaheeda waxay gaareen ilaa 8,000 shaqaale.

Muddo siddeed sano ah waxay ku shaqeyn jirtay magac kale oo ahaa Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, sababtuna waxay ahayd in 1977-tii qaybo ka mid ah laamiheeda (sida booliiska, nabadsugidda iyo asluubta) laga qaaday. Magaca iyo doorka ayaa dib loo soo celiyey 1984-tii.

Hadda magaceedu waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, iyadoo lagu shaqeeyo Dastuurka KMG ah ee la ansixiyey Agoosto 1, 2012.