WASAARADDA

WASAARADDA

ARRIMAHA GUDAHA,

FEDERAALKA IYO DIB-U HESHIISIINTA

OGAYSIIS WEBSITE

Website-ka wasaaradda waa la cusbooneysiiyey, waxaana weli lagu sii wadaa horumarintiisa. Fadlan nala joog si aad u aragto isbeddellada cusub.

Sooyaalka Iyo Wasiirradii Arrimaha Gudaha

Sooyaalka wasaaradda iyo wasiirradii Arrimaha Gudaha (1956–2022)

1956

Aasaaska

62+

Sano

32

Wasiir

8,000

Shaqaale hore

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa mid ka mid ah tiirarka xukuumadda Soomaaliya. Waxay jirtaa 62 sano, waxaana ilaa hadda soo qabtay 32 wasiir. Burburkii ka hor, shaqaalaheeda waxay gaareen ilaa 8,000 shaqaale.

Muddo 8 sano ah waxay ku shaqeyn jirtay magac kale oo ahaa Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga. Sababtu waxay ahayd in 1977-tii, dowladdii Madaxweyne Siyaad Barre ay ka qaadday qaybo ka mid ah laamiheeda sida booliiska, nabadsugidda iyo asluubta. Magaca iyo doorka ayaa dib loo soo celiyey 1984-tii.

Halkan ka akhriso liiska wasiirrada soo maray wasaaradda (1956–2022).

Sooyaalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha — taariikhda aasaaska, magaca la beddelay (1977–1984), iyo liiska wasiirrada soo maray (1956–2022).

Bilowgii maamulka daakhiliga

  1. May 1956 — la dhisay xukuumaddii ugu horreysay ee maamulkii daakhiliga. Ra’iisul Wasaare: Cabdullahi Ciise Maxamuud; Wasiirka Arrimaha Gudaha: Xaaji Muuse Boqor (lix wasiir).
  2. 31 December 1958 — doorashada baarlamaanka; xukuumaddii 2-aad waxaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha isku ahaa mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud.
  3. 1977–1984 — magaca loo beddelay Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga; laamihii booliiska, nabadsugidda iyo asluubta waa laga qaaday.
  4. 1984 — dib u soo celinta magaca iyo doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Xusuus-qorro muhiim ah

1956 — Aasaaska

Xukuumaddii ugu horreysay ee maamulka daakhiliga; Wasiirkii ugu horreeyey: Xaaji Muuse Boqor.

1977–1984 — Magac kale

Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga; qaybo muhiim ah ayaa la kala wareejiyey.

1984 — Dib u soo celin

Dib loogu soo celiyey magaca iyo howlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirradii Wasaaradda Arrimaha Gudaha (32 wasiir)

Liiska rasmiga ah ee 32-ka wasiir ee soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha (1956–hadda). Liiska sawir leh waa qaybta hoose.

  1. Xaaji Muuse Boqor — 1956 - 1958
  2. Cabdullahi Ciise Maxamuud — 1958 - 1960
  3. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen — 1960 - 1962
  4. Maxamuud Cabdi Nuur (Juuje) — 1962 - 1964
  5. Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Zoobe) — 1964 - 1967
  6. Yaasiin Nuur Xasan Bide — 1967 - 1969
  7. Jaamac Cali Qorsheel — 1969 - 1970
  8. Xuseen Kulmiye Afrax — 1970 - 1974
  9. Jaamac Maxamed Qaalib — 1974 - 1977, 1978 - 1982
  10. Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar — 1977 (Feb - March)
  11. Axmed Jaamac Jiingali — 1982 - 1984
  12. Axmed Saleebaan Cabdalla (Dafle) — 1984 - 1987, 1989 - 1990
  13. Maxamed Cabdulle Bacadle — 1987 - 1989 (Dec - April)
  14. Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Masale — 1990 (Feb - August)
  15. Cabdiqaasim Salaad Xasan — 1990 - 1991
  16. AUN. Mahamad Qanyare Afrax — 1991
  17. Daahir Sheeikh Mohamed — 2000 - 2003
  18. Axmed Cali Gacal Arabow — 2004 - 2005
  19. Huseen Mohamed Farah Ceydiid — 2005 - 2007
  20. Maxamed Maxamuud Gacmadheere — 2007 - 2008
  21. Muuse Nuur Caalin — 2008 - 2009
  22. Cabdiqaadir Cali Cumar — 2009 - 2010
  23. Cabdishakuur Sheekh Xasan — 2010 - 2011
  24. Cabdisamad Macalim Maxamuud — 2011 - 2012
  25. Cabdikarim Xuseen Guuleed — 2012 - 2014
  26. Cabdullahi Goodax Barre — 2014 - 2015
  27. Cabdiraxahman Odowaa — 2015 - 2017
  28. Cabdi Faarax Saciid Juxa — 2017 - 2018
  29. Cabdi Maxamed Sabriye — 2018 - 2020
  30. Mukhtaar Xuseen Afrax — 2020 - 2022
  31. Axmed Macallm Fiqi — 2022 - 2024
  32. Cali Yusuf Cali (Xoosh) (hadda) — 2024 - Hadda
MOIFAR

Liiska Wasiirrada

Sooyaalka wasaaradda iyo wasiirradii hoggaamiyay MoIFAR — 1956 ilaa hadda.

0