WASAARADDA

WASAARADDA

ARRIMAHA GUDAHA,

FEDERAALKA IYO DIB-U HESHIISIINTA

OGAYSIIS WEBSITE

Website-ka wasaaradda waa la cusbooneysiiyey, waxaana weli lagu sii wadaa horumarintiisa. Fadlan nala joog si aad u aragto isbeddellada cusub.

Wasiir Ku Xigeenka

Taariikh nololeedka Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir — Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha

3+

Xilal hore

2020

Guddiga Doorashada

KSA

Safiir hore

Wasiir Ku Xigeenka

Hadda Ah

Mudane: Cabdixakiim Xasan Ashkir

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Mudane: Cabdixakiim Xasan Ashkir

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waa Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir. Wuxuu leeyahay khibrad dowladnimo oo muddo dheer ah, isaga oo leh xirfado la xiriira xiriirka caalamiga, diblomaasiyadda, hoggaanka, maamulka iyo xallinta khilaafaadka.

Mudane Ashkir waxaa uu horay u soo noqday Wasiiru-Dowlaha hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga.

Intaa waxaa dheer, wuxuu door muhiim ah ka qaatay xubinimada Guddiga Farsamada ee Heshiiskii Doorashada Soomaaliya ee Sebtembar 2020.

Taariikh nololeedka Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha — khibradda dowladnimada, diblomaasiyadda, iyo doorkii doorashada 2020.

Khibradda iyo xilalkii hore

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Wasiiru-Dowlaha hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS.

Safiirka Sacuudiga

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Boqortooyada Sacuudiga.

Heshiiskii Doorashada 2020

Xubin ka mid ah Guddiga Farsamada ee Heshiiskii Doorashada (Sebtembar 2020).

Xirfadaha muhiimka ah

  1. Xiriirka caalamiga iyo diblomaasiyadda
  2. Hoggaanka iyo maamulka dowladeed
  3. Xallinta khilaafaadka
  4. Isku-duwidda howlaha wasaaradda iyo fulinta siyaasadaha