Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda iyo caafimaadka XFS ayaa maanta kulammo wadatashi ahbka yeeshay hirgelinta Nidaamka Dad-dhigista Mideysan iyo Diiwaangelinta Xaaladaha Madaniga ah (CRVS ee Soomaaliya taasi oo la xiriirta dardargelinta dedaallada kala duwan ee hurgelintiisa, iyadoo ‎Wafdiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee kulamadan qeybta ka ahaa waxaa hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Abdulkadir Ali
‎
‎Kulankan ayaa daba-socday kulankii farsamo ee 17-kii Oktoobar 2026 uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu isugu keenay hay’adaha Dowladda ee ay khusayso, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dhaqangelinta Sharciga Dad-dhigista iyo Diiwaangelinta Xaaladaha Madaniga ah iyo hirgelinta nidaam qaran oo mideysan.
‎
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarka iyo dadaallada uu Agaasinka Adeegyada Dad-dhigista ka sameeyey diyaarinta iyo horumarinta Nidaamka Dhijitaalka ah ee Dad-dhigista Mideysan, isku-xirka xogta hay’adaha Dowladda iyo muhiimadda ay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka ku leedahay taageeridda iyo fududeynta hirgelinta nidaamkan, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga iyo adeegyada qunsuliyadeed.