Laascaanood 29 0ct 2026; Waaxda Arrimaha Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Laascaanood ee Waqooyi-Bari Soomaaliya ku qabatay kulan khibrad-wadaag ah oo la xiriira geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Agaasimaha Arrimaha Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Mudane Mohamud Adan Mumin, ayaa mas'uuliyiin ka tirsan qaar ka mid ah wasaaradaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari u soo bandhigay warbixinno iyo xogo ku saabsan arrimaha Federaaleynta dalka iyo Asteynta Awoodaha.