Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Cumaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Saalim Bin Xabiib Bin Salaam Al-Cumeyri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay waddooyinka lagu ballaarin karo iskaashiga iyo fursadaha cusub ee labada dowladood ay si wadajir ah uga shaqeyn karaan, gaar ahaan dhinacyada ay danaha wadaagga ahi ka dhexeeyaan.

Dhanka kale, Wasiirka iyo Safiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaranka Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.