Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Abdulkadir Ali ayaa goddoomiyey kulanka Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha ee dardargelinta Diyaarinta Qorshe-Hawleedka 2027.
Inta uu kulanku socday Agaasime Cabdul ayaa ku adkeeyey Agaasime Waaxeedyada diyaarinta qorshe howleed leh madaxyo, cabir iyo natiijo wax ku ool ah, lana jaanqaadaya qorshaha qaranka.
Kulankan ayaa sidoo kale gebogabo u ahaa tababar Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, iyadoo diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka sanadka 2026 iyo diyaarinta Qorshe-Hawleedka 2027 kaasi uu bixiyey Khabiirka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS mudane Cabdifitaax Aadan Cabdi.
Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta waxay xoogga saartay dib-u-eegista waxqabadka, dejinta mudnaanta sanadka soo socda iyo xoojinta qorsheynta ku saleysan natiijooyin, hufnaan iyo isla-xisaabtan