Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay wajiga 2aad ee Wadatashiga Jiilasha Ee Nabad-dhiska Iyo Dowlad Wanaagga.
Madasha oo qeyb ka yihiin Jiilal kala duwan sida; dhalinyaro, haween iyo guud ahaan qeybaha bulshada ayaa aheyd fursad ay bulshooyinku si toos ah ula falgalaan mas’uuliyiinta iyadoo lagusoo bandhigay warbixinno ka tarjumaya shaqada Wasaaradda.
Inta ay madashu socotay Wasiiru dowladaha Wasaaradda mudane Saadaad Caliyow, wasiir ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa kaqaybgalayaasha la wadaagay khibradooda dowlad-dhiska, waxaa ay sidoo kale kajawaabeen su’aalaha dadweynaha.
Madashan oo ah middii 2-aad ayaa ujeedku yahay in shacabka loo dhoweeyo dowladda, iyadoo qaar ka mid ah kaqaybgalayaasha ay ku tababaran doonaan waaxyaha Wasaaradda muddo bil ah si faham guud uga qaataan shaqada dowladnimada.