Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa soo xiray Shirka Khibrad Wadaagga Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaran Iyo Sohdimaha.
Wasiir Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda xiridda Shirka ayaa Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ku bogaadiyay qabashada doorashooyinkii kala duwanaa iyo sida ay uga guuleysteen caqabadihii ku xeernaa.
Shirka oo socday muddo seddex maalin ah, kana qeygbaleen ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ayaa ahaa falanqaynta iyo is-weydaarsiga waayo-aragnimada laga dhaxlay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir iyo doorashooyinkii isku-sidkanaa ee ka qabsoomay Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.