Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya oo ka qabsoomay Muqdisho.

Wasiir Cali Yuusuf oo ka hadlay ayaa tibaaxay muhiimadda Shirka, isagoo yiri” Shirkani wuxuu ku soo beegmay xilli aad muhiim ugu ah Soomaaliya, wakhti laga soo baxaya Abaaro, isla markaana laga cabsi qabo fatahaado. Dalkeenu wuxuu muddo dheer la tacaalayaa abaaro soo noqnoqda iyo wakhtiyadda roobka oo fatahaado ka dhashaan. Dhibatooyinkaas soo noqnoqda waxay dalkeena ku keeneen barakac, xaaluf deegaan, cunto-yaraan iyo saboolnimo. Marka la eego xogaha roobabka ee dalkeena, waxay xogtu muujineysaa kala duwanaansho weyn, xiliyo roob badan la helo iyo xiliyo roob-yar la helo. Kala duwanaanshahaasina wuxuu keenay in dalkeena caqabadi ka qabsato arimaha qorsheynta. Marna waxaa la qorsheeyaa ka jawaabida xaaladaha abaaraha, marka kalena waxaa la qorsheeyaa ka jawaabidda fatahaadaha.”

“Waxaa muhiim ah in aynu ka gudubno xaaladaha gurmadka degdegga ah,
balse loo gudbo xoojinta ka hortaga, diyaar-garow sare, soo-kabasho waarta
iyo adkaysi muddo dheer ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an dhismaha nidaam qaran oo awood u leh ka hortaga iyo ka jawaabista masiibooyinka” ayuu intaasi raaciyey isagoo rajeeyey in in doodaha iyo soojeedinadda cilmibaarayaasha ka qeyb galaya shirkaan ay saameyn ku yeelan doonaan dejinta siyaasadaha, qorshayaasha iyo go'aannada dowladda.

Ugu Dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Hay’adda SODMA iyo Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna yiri ”Waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda SoDMA, Jaamacadda Muqdisho, Bah wadaagta, Cilmi-baarayaasha iyo dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatey qabsoomidda shirkan.”.