Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaannada hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda sida; Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Maareeyaha NIRA mudane Cabdiweli Timocadde iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa fursad u siisay Wasiir Xoosh in ay madaxda hey’adaha kala duwan uga warbixiyaan horumarka laga sameeyey hortabinnada, guulihii la gaaray, mudnaanta shaqo ee hadda taagan iyo caqabadaha saameynaya hirgelinta howlaha. Wasiir Xoosh ayaa bogaadiyey howlaha socda isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo isku-duwid xooggan oo dhex marta Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada, si hufanna loo guto waajibaadka loo igmaday, loogana gudbo caqabadaha hay’adeed iyo qaarka kale ee hor istaagi kara horumarka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta kormeerka, isku-duwidda iyo taageerada hay’adaha, si loo hubiyo inay si wax-ku-ool ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay sii wadaan ka shaqeynta mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka.