Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa kaqeybgalay Madasha soo Bandhigista Daraasadda “Dhismaha Dowlad-
goboleedka Hirshabeelle: Caqabadaha iyo Fursadaha.
Wasiir dowlaha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay kaalinta Wasaaradda isagoo yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah, waxay door muhiim ah ku leedahay dhismaha dowlad-goboleedyada, xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo fududeynta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta bulshada. Waxaa naga go’an inaan taageerno hay’ado dowladeed oo loo dhan yahay, isla markaana awood u leh inay shacabka u adeegaan. Waxaan aaminsanahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo hannaan sharciyeed”
“Federaalku wuxuu Soomaaliya siinayaa fursad ay awoodda iyo maamulka ugu dhowaan karaan shacabka, si loo xoojiyo ka-qaybgalka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah” -
Ayuu intaasi raaciyey Mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta