Wasiirka Arrimaha Gudaha Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa caasimadda Muqdisho uga qaybgalay munaasabadda rasmiga ah ee xiritaanka Hawlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah ee xafiika Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Munaasabaddan ayaa lagu soo afjaray waajibaadkii xafiiska iyadoo sidoo kale calaamad u ahayd tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadayso dhinaca xoojinta lahaanshaha qaranka ee geeddi-socodka nabad-dhisidda dowladnimada iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya waxay bogaadineysaa shaqadii xafiiska iskaashiga joogta ah ee UN-ka iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaateen dedaalada nabad-dhisidda iyo dhismaha dowladnimada dalka.