Dhallinyarada ka qaybgalaysa wejiga labaad ee Barnaamijka Hagidda iyo Barashada Shaqada Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa sii wada barashada hannaanka shaqo ee hay’adaha dowladda, iyagoo qaatay cashar ku saabsan Nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda.

Casharkan oo qayb ka ah tababarrada iyo waayo-aragnimada shaqo ee barnaamijka ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka dowladnimada federaalka, kala-xadeynta awoodaha iyo masuuliyadaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, iyo sida ay hay’adaha dowladdu isaga kaashadaan gudashada waajibaadkooda.

Barnaamijkan ayaa isku xiraya aqoonta ay dhallinyaradu ka helayaan casharrada iyo waayo-aragnimada ay ka kororsanayaan waaxyaha Wasaaradda, si ay si dhab ah u fahmaan sida nidaamka federaalku u shaqeeyo iyo kaalinta ay hay’adaha dowladdu ku leeyihiin geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.