Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Abdulkadir Ali ayaa si rasmi ah u xiray aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Horumarinta Qaybaha Wasaaradda Ee Nidaamka Federaalka.

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Wasaaradda, ayaa ujeeadkiisu ahaa in kor loo qaado awoodda hawlwadeennada arrimaha federaalka, la xoojiyo wada-shaqaynta maamullada, lana fududeeyo wadaagga macluumaadka la xiriira dowlad-dhiska.