Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuuusf Cali(Xoosh) ayaa la kulmay dhalinyarada ku guuleystay wejiga 2-aad ee Barnaamijka Hagidda iyo Barashada Shaqada Waaxyaha Wasaaradda (Mentorship and Departmental Shadowing Programme), kaasi oo shan dhallinyaro ah oo ka tirsan bulshada ay muddo saddex todobaad ah ay si dhow wax uga baranayaan shaqooyinka ka socda waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, una fahmaan hannaanka shaqo ee hay’adaha dowladda.
Kulanka wasiirka kahor, waxay qaateen cashar la xiriira hab qoraalka warbixinnada, uruurinta xogaha, qiimeynta iyo kormeerka xafiiska iyo qaar kale, taasi oo ujeedku ahaa in ay bartaan xirfado wax ku ool u ah noloshooda.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh oo la hadlay kaqeybgalayaasha ayaa kula dardaarmay in inta ay joogaan Wasaarada ay si wacan ula falgalaan waaxyaha kala duwan, wax badan ka ogaadaan shaqada Wasaaradda iyo howlaha adeeg daadejinta.