Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa kulan la yeeshay Madaxa Iskaashiga Hay’adda Iskaashiga iyo Horumarinta Switzerland (SDC), kaas oo ay kaga wada hadleen hortabinnada ay wadaagaan ee ku aaddan xoojinta dowladnimada heer deegaan, horumarinta xalalkawaara iyo tayeynta awoodda hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dowladnimo heer deegaan oo loo dhan yahay, isla markaana ku dhisan isla-xisaabtan, hagaajinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta ka-qaybgalka iyo lahaanshaha bulshada ee barnaamijyada horumarineed ee ay dowladdu hoggaamiso.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Switzerland, si loo horumariyo hortabinnada qaranka ee dhinaca horumarka, loona dhiso hay’ado dowladeed oo wax-ku-ool ah, isla markaana adkaysi leh caqabadaha.