Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo uu wehliyo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI) mudane Libaan Cabdi Cigaal ayaa kulan la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Jarmalka iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka.
Ajendeyaasha laga hadlay waxaa ka mid ahaa; horumarinta barnaamijyo xalkawaara oo lagu taageerayo dib usoo celinta muwaadiinta ku dhibaateysan dibadda ee soo guryo-noqonaya iyo guud ahaan dib-u-dejinta iyo dib-u-dhexgalka muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabanaya.
Kulanka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh iyo wafdiga ayaa garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde munaasanad soo dhoweyn ah ugu sameeyey 135 muwaadin Soomaaliyeed oo dib uga soo laabtay kuwaas oo kasoo noqday dalka Libya.
Soo laabashada muwaadiniintan ayaa tallaabo muhiim ah u ah dib-u-soo-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la kulmay khataraha tahriibka iyo xaalado nololeed oo adag intii ay ku sugnaayeen dibadda. Soo dhoweyntan ayaa muujinaysa dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ilaalinta badqabka iyo daryeelka muwaadiniinteeda, fududeynta dib ugu soo laabashadooda si ammaan iyo sharaf leh, iyo taageeridda sidii ay dib ugu dhisan lahaayeen noloshooda, uguna dhex milmi lahaayeen bulshooyinkooda.