Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa guddoomiyey shirka billaha ah ee Madasha Isku-duwidda Amniga iyo Xasillinta (COI), oo ay ka qaybgaleen hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah. Shirka ayaa lagu falanqeeyey xaaladda amniga, horumarka dadaallada xasillinta, xaaladaha bani’aadannimo iyo saameynta barakaca, iyadoo si gaar ah loo eegay xiriirka ka dhexeeya arrimahan iyo soo-kabashada deegaannada.
Madasha ayaa xoogga saartay muhiimadda ay leedahay in dadaallada amniga lagu xiro qorshayaasha xasillinta iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada, si horumarka amni uu u horseedo soo-kabasho iyo xasillooni waarta. Waxaa sidoo kale la adkeeyey baahida loo qabo wadaagga xogta, isku-duwidda hay’adaha iyo in dowladda iyo bahwadaagtu yeeshaan faham mideysan oo ku saabsan mudnaanta iyo caqabadaha ka jira deegaannada.
Xasillinta waarta kuma koobna sugidda amniga, balse waxay u baahan tahay in la isku xiro amniga, soo-kabashada bulshada iyo awoodda hay’adaha dowladda ee ka jawaabista baahiyaha deegaannada. Wasaaradda ayaa sii xoojinaysa doorkeeda isku-duwidda dadaalladan, si waxqabadyada kala duwan ay u taageeraan nabad waarta iyo horumar ay bulshadu ka faa’iidaysato.