Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho Madasha Aasaaska iyo Jiheynta Shabakadda Qaran ee Bahda Nabad-dhiska Dalka.
Ugu horreyn, Madasha waxaa daahfuray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dub u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh, waxaana uu kelmadiisa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda in bulshada ay nabaddu yeelato isagoo yiri “Si loo gaaro nabad waarta, waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay
noqoto hormuudka dadaallada nabad dhiska, isla markaana ay yeelato lahaanshaha iyo hoggaaminta geeddi-socodka nabad-dhiska iyo dib-u- heshiisiinta”.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay dhismaha shabakaddan “Aasaaska shabakaddan waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo lahaansho Soomaaliyeed, laguna mideynayo dadaallada bahda nabad-dhiska dalka. Waxaan hiigsanaynaa shabakad madax-bannaan, loo dhan yahay, isla markaana leh qaab-dhismeed iyo hannaan shaqo oo cad,Madax-bannaanida shabakaddani waxay illaalin doonta dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida bulshada”.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa adkeeyey sida Wasaaraddu uga go’antahay xoojinta dadaallada nabad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkeena.
Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir isagoo ku dheeraaday ka faa’ideysiga khibradda loo leeyahay nabad-dhiska wuxuuna yiri “Soomaaliya waxay leedahay khibrad iyo karti badan oo ku saabsan nabad-dhiska, dhexdhexaadinta, xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta. Waxaa muhiim ah in khibradahaas la isku xiro, lana abuuro madal ay bahda nabad-dhisku ku wadaagaan aqoonta, isku-duwaan dadaalladooda, kuna xoojiyaan iskaashiga heer qaran, dowlad-goboleed iyo bulsho”.
Agaasimaha waaxda Dib u heshisiinta ee Wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Jabiin ayaa isna ka hadlay ujeedka madashan laf dhabar u noqon doonta shaqada wasaaradda gaar ahaan hawlaha dib u heshisiinta isagoo u jeediyey kaqeybgalayaasha in ay warbixinnada iyo doodaha kala duwan ka faa’ideystaan si shirka uga soo baxaan miraha laga rajaynayo.
Ugu dambeyntii, waxaa madasha lagu soo bandhigay warbixinno wax ku ool ah oo ku aaddan hiigsiga madasha iyo natiijada laga filayo.