Muqdisho 09-Sept 2026: Agaasimaha Arrimaha Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta DFS, Mudane Mohamud Adan Mumin si rasmi ah usoo xiray Kulanka Aqoon Isweedaarsiga kala xadeynta Awoodaha Heerarka Dowladda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada & caafimaadka.

Aqoon Isweedaarsiga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta DFS lagu soo bandhigay Federaaleyn ku salaysan kala xadeynta Awoodaha Heerarka Dowladda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada & caafimaadka, taas oo xoojinaysa iskaashiga heerarka Hay’adaha Dowladda.

Kulanka oo socday muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose, gaar ahaan dhinacyada Hay’adaha caafimaadka iyo waxbarashada. Sidoo kale wakiilada ka socda Dowlad Goboleedyada ayaa soo jeediyay waxqabadka iyo holwaha la xiriira arrimaha lagu soo bandhigay Federaaleyn ku salaysan kala xadeynta Awoodaha Heerarka Dowladda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada & caafimaadka.