Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta DFS ayaa maagalada Muqdisho ee Caasimadda ku daahfurtay Aqoon Isweedaarsi Ku Saabsan Kala-xadeynta Waajibaadka Iyo Maamul Daadajinta Ee Waaxyaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Kulanka oo socon doono muddo labo maalin ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta DFS, Mudane Yaxye Cumar Xirsi, iyadoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose.