Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi(Cabdul) ayaa soo xiray Madasha Aasaaska iyo Jiheynta Shabakadda Qaran ee Bahda Nabad-dhiska Dalka.
Madasha oo saddex maalmood socotay ayaa gebogabadii lagu doortay Guddiga Fulinta ee Bahda Nabad-dhiska Soomaaliyeed.
Doorashadan waxaa ku tartamay 21 xubnood oo ka kala socday Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo Golaha Guud ee Bahda Nabad-dhiska Soomaaliyeed u doortay xubnaha Guddiga Fulinta, iyadoo Nabadoon Cabdulqaadir Axmed uu ku guuleystay Guddoomiyaha Bahda Nabad-dhiska Soomaaliyeed halka Marwo Fartuun Aadan Xerfoow loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka.
Guddiga Fulinta waxaa lagu saleeyay matalaad loo dhan yahay, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka, dadka naafada ah iyo beelaha laga tirada badan yahay.
Agaasime Cabdul oo madasha soo xiray ayaa khudbaddiisa ku sheegay ahmiyadda guddigan iyo guud ahaan shabakadda u leeyihiin nabadda iyo qaran-dhiska Soomaaliya isagoo ku adkeeyey inay kasoo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay in ay adkeeyaan hoggaaminta iyo isku-dubbaridka dadaallada Bahda Nabad-dhiska Soomaaliyeed.