Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta kormeerka, isku-duwidda iyo taageerada hay’adaha, si loo hubiyo inay si wax-ku-ool ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay sii wadaan ka shaqeynta mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka.