Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa si rasmi ah u furay shirka lagu daahfurayo Warbixinta Sannadlaha 2025 ee Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara (NSPAP).

Mudane Ashkir oo khudbad kajeediyey munaasabadda ayaa dheeraaday muhiimadda shirkaan, isagoo xusay in daahfurka warbixinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara (NSPAP) uu fursad u yahay dib-u-eegista casharradii laga bartay iyo fursadaha lagu xoojin karo xalalka waara, si bulshadu ugu noolaato nabad iyo xasillooni, una hesho adeegyada aasaasiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa adkeeyey in wax ka qabashada barakaca ay u baahan tahay qorshe qaran oo ku saleysan horumarinta iyo isku-filnaanshaha bulshada iyo in hiigsiga sanadka 2029 uu yahay in hal milyan oo qof oo barakacu saameeyay loo suurtageliyo deegaameyn dhab ah, dib-u-dejin iyo in loo abuuro fursado horumarineed.