Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa maanta daahfuray tababar loo qabtay shaqaalaha Mashruuca Bulsho ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ka kala tirsan Xafiisyada Isku-duwidda iyo Hirgelinta.

Tababarkan oo loogu talagalay shaqaalaha cusub ee Mashruuca Bulsho ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana ujeeddadiisu tahay in shaqaalaha la siiyo aqoon iyo xirfado ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo.

Marka uu tababarku soo dhammaado, shaqaaluhu waxay maalmaha soo socda si rasmi ah uga bilaabi doonaan hawlahooda shaqo degmooyinka loo asteeyey.