Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Abdulkadir Ali ayaa si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Horumarinta Qaybaha Wasaaradda Ee Nidaamka Federaalka.
Aqoon-is-weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Wasaaradda, ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado awoodda hawlwadeennada arrimaha federaalka, la xoojiyo wada-shaqaynta maamullada, lana fududeeyo wadaagga macluumaadka la xiriira dowlad-dhiska.
Dhanka kale, si loo xoojiyo Horumarinta Qaybaha Wasaaradda Ee Nidaamka Federaalka iyo karaanka shaqaalaha, ayuu agaasimaha Waaxda Maamulka Shaqaalaha iyo Tababarrada Mudane Abdifitah Nur Ahmed soo jeediyay cashir la xiriira Anshaxa Shaqada ee Xafiisyada Dowladda.
Dhankooda, howlwadeennada ka qaybgalaya Aqiiin Isweedaarsiga ayaa soo bandhigay waayo aragnimada shaqo ee la xiriia hirgalinta Federaalka, Iskaashiga Maamullada & DFS iyo wadaagga macluumaadka la xiriira arrimahaas.