WAAXDA QORSHEYNTA, TABABARADA IYO KORMEERKA
Waaxda qorsheynta waajibaadkeeda waa diyaarinta qorshaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo Dib u heshiisiinta, waaxda waxay kormeer iyo qiimeyn ku sameysaa mashaariicda kala duwan oo ay wadaan waaxaha wasaaradda arrimaha gudaha, Waaxda waxay kaloo diyaarisaa baahida tababarada ee aqoonta iyo xirfada shaqaalaha wasaaradda kor logu qaadayo,
Waaxda Waxay si joogta ah ula socotaa habsami u socadka Qorshe Hawleedka sanadlaha ah (AWP), Marka ay Waaxda Qorsheynta diyaarineyso Qorshe howleedka sanadlaha ah ee wasaaradda waxay ku shaqeysaa hanaanka Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalaad (QHQ9) Kaaso fikir ahaan ka yimid aragtida iyo baahiyaha ay qabaad ummadda soomaaliya isla markaan muhiim ah in lagu shaqeeyo.
Qorshaha Horumarinta Qaranka sagaalaad(QHQ9) Wuxuu xiriir dhow la leeyahay(Aligning) Qorshaha Horumarinta Caalamka kaaso loo yaqaan 17 Hadafka Horumarka waara (17 SDGs)kaaso ay heshiis ku yihiin 193 Dowladood, Waaxda waxay xiriir wada shaqeyn ah la leedahay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, ayagoo Isdhaafsanaayo wixii xogo cusub ah ee soo kordha
WAAJIBAADKA MADAXA QEYBTA QORSHEYNTA
Qiimeynta baahida guud ee wasaaradda si loo helo xog sax ah Diyaarinta Qorshaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta La socodka iyo ku shaqeynta Qorshaha horumarinta Qaranka sagaalaad (QHQ9) Kormeerka iyo Qiimeynta Qorshe howleedka Wasaaradda ee sanadlaha ah Jawaab celin marka ay yimaadaan su’aalo la xiriir waxqabadkii qorshe howleedkii sanadlaha ahaa ee wasaaradda wixii ka qabsoomay.
WAAJIBAADKA MADAXA QEYBTA TABABARAD
1. La socodka baahida tababarada ee shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha u baahan yihiin 2. Diyaarinta tababarada gudaha iyo dibadda 3. Qiimeynta iyo kor u qaadista baahida xirfadeed ee shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha ay u baahan yihiin 4. Diyaarinta tababaro joogta ah, si loo kobciyo aqoonta shaqaalaha wasaaradda
WAAJIBAADKA KAALIYAHA MADAXA QEYBTA KORMEERKA IYO QIIMEYNTA
1)- Kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo Dib u heshiisiinta
AGAASIMAHA WAAXDA QORSHEYNTA, TABABARADA, KORMEERKA
WAAXDA QORSHEYNTA, TABABARADA, KORMEERKA, waxaa agaasime ka ah Bahjo Maxamed Xiirey, waxaa aqoon fiican u leedahay diinta Islaamka iyada oo soo baratay, kana qeybgashay siminaaro badan oo la xiriira.
Agaasmise Bahjo waxaa ay wax kusoo baratay Jaamacado kala duwan sida Madinah international University Malaysia iyo Universiti t Teknologi Mara.
Agaaimaha Qorshaynta Bahja Maxamed Xiirey [email protected]