WAAXDA HAY’ADAHA AAN DOWLIGA AHAYN; Waaxda hay’adaha aan dowliga ahayn waa waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, waxaa ayna masuul ka tahay diiwaan gelinta iyo dabagalka howlaha hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya guud ahaan dalka.
Waaxda Hay'adaha aan dowliga ahayn waxaa ay ka shaqaysa ogaanshaha baahiyaha aasaasiga ah oo ay qabaan deegaanada Kala duwan ee dalka si mashaariicda horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha loogu Kala aadin lahaa sida ay u Kala mudan yihiin ama ukala baahi badan yihiin deegaanada dalka looguna gudbin lahaa ama lala wadaagi lahaa guud ahaan Hay'adaha daneeya in ay Ka howl galaan dalka.
WAAJIBAADKA GUUD EE WAAXDA HAY’ADAHA AAN DOWLIGA AHAYN Waaxda Haya’daha aan dowliga ahayn waxaa ay leedahay waajibaad u gooni ah si ay u fuliso howlaha waaxda iyo qorshaha wasaaradda, haddaba waajibaadka waaxda waxaa ka mid ah: In Waaxdu hormuud uga noqoto wasaradda samaynta siyaasadda hayadaha aan dowliga ahayn (NGO bill or policy)
In Waaxdu hirgeliso hanan ay kula socon karto dhamman shaqaalaha ajnaanibta ah ee ka hawl galo guud ahaan dalka In waaxdu sameeyso xariir wada shaqeyn toos ah wasaaradaha bixiyo shatiyada ee heer Dowlad Goboleed si loo ogaado hay’adaha ka howl galo Maamul Gobolled kasto
Hirgelinta dhammaan howlaha iyo waxqabadka waaxda si waafaqsan qorshe howleedka guud Wasaaradda Diiwaan galinta Hay’adaha maxaliga, Caalamiga ah ee aan dowliga ahayn Hubinta iyo daba-galka howlaha iyo mashaariicda ee hay’adaha aan dowliga ahayn ay qabtaan. Keeydinta xogaha NGO yada sida mashaaricda iyo deegaanada laga qabto mashaariicda
Taabba galinta shir lix bille ah oo ay isugu yimaadaan haya’daha aan dowliga ahayn si loo hubiyo habsami u socodka bixinta mashaariicda iyo caqabadaha jira ( Clusters) Diyaarinta warbixinno sedax bille ah oo ku saabsan waxqabadka waaxda iyo bahwadaagta la shaqeysa Tababarka iyo kobcinta tayyada shaqaalaha ka shaqeeya waaxda iyo kuwa
heer dowlad goboleed (Line Ministries) Ilaalinta iyo meelaynta agabka iyo xogta wasaradda ee waaxda. Agaasimaha WAAXDA HAY’ADAHA AAN DOWLIGA AHAYN; WAAXDA HAY’ADAHA AAN DOWLIGA AHAYN, waxaa agaasime ka ah Xanafi Cabdi Cali, tan iyo 2014-kii, waxaa uu wasaaradda kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan sida agaasimaha horumarinta reer miyiga, agaasimaha waaxda dowladaha hoose, maxdaxa saadka ee wasaaradda, maaliyadda.
Agaasime Xanafi waxaa uu maamulka iyo maareynta uga baxay jaamacadda SIMAD, waxaa uuna shahaadooyin kale ka heystaa macaahid caalami ah.