Waaxda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga

Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxay qaadatay nidaam federaal ah, taasoo uu aas-aas u yahay Dastuurka KMG ee la ansixiyey 1 August, 2012, marka loo eego qodobka 48-aad ee qaab-dhismeedka Dowladda, wuxuu tilmaayaa in qaab-dhismeedka Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka kooban yahay 2 heer Dowladeed, kuwaas oo kala sidan:- (1). Heerka Xukuumadda Federaalka; (2). Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waxay ka kooban yihiin Xukuumaddu ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Hoose. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayadoo ka duulaysa Dastuurka KMG ah ee DFS, waxay magacii wasaradda arrimaha gudaha ka dhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta sanadkii 2017. Intaas kadib, dib u eegis lagu sameeyey qaab-dhismeedkii wasaaradda, waxaa soo baxday in magaca waaxdii Xiriirka Goboollada, degmooyinka iyo waaxdii horumarnta reer miyiga loo bedello waaxda dowladaha hoose, maamul Baahinta iyo horumarinta reer miyiga, maadaama ay soo dhammaatay dhismihii dowlad goboleedyada, dowladaha hoosena ay hoos tegaan dowlad goboleedyada, sida ku cad qododbka 48-aad, farqadiisa (b) Dastuurka KMG ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada Waaxda Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta iyo Horumarinta Reer Miyiga waa ka mid ah in Dowlad Goboleedyada laga gacan siiyo dib u dhiska Goleyaasha Deegaan Degmooyinka Dalka, in la helo Hay’addo Dowlado Hoose ah oo sharci ku dhisan dadka deegaankuna soo doorteen, in bulshada loo qabto kulamo Dood Wadaag ah oo ku saabsan Maamul Daadejinta iyo In dib loo dhaqan geliyo Mashaariicdii Horumarinta Reer Miyiga Xilka iyo Waajibaadka Guud ee Waaxda Dowladaha Hoose, Maamul Baahinta & HR Miyiga Waaxdu waxay mas’uul ka tahay hirgalinta siyaasadda wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, maamul baahinta iyo horumarinta reer miyiga. Diyaarinta, talo aruurinta iyo ka talo bixinta shuruucda iyo siyaasadaha la xiriiraha arrimaha hormarinta dowladaha hoose, maamul baahinta iyo horumarinta reer miyiga. Gacansiinta wasaaradaha dowlad goboleedyada dhismaha golayaasha deegaanka, hormarintaDowladaha Hoose, maamul baahinta iyo reer miyiga Qabashada iyo hirgalinta shirka madasha Wadajir ee horumarinta dowladaha hoose ee dalka Diyaarinta iyo fulinta hanaanka xasilinta dalka iyo qabshada shirka xasilinta oo joogtada ah Gacansiinta dowlad goboleedyada siday u qaban lahaayeen shirka joogta ah ee xasilinta Hirgalinta xiriir wada shaqeyn iyo iskaashi dhex mara Wasaaradda iyo wasaaradaha dowlada goboleedyada. U qareemidda iyo dhaqaale raadinta sidii lagu dhisi lahaa goleyaal deegaan oo dadku soo doorteen. Ka qayb qaadashada iyo ka talo bixinta arrimaha xasilinta dalka iyo la dagaalanka saboolnimada La shaqaynta Hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ku howlan hormarinta Dowladaha Hoose La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda si hab wadajir ah loogu fuliyo xilka iyo waajibaadka guud ee Wasaaradda. Tababarka iyo kobcinta tayada shaqaalaha ka shaqeeya waaxda iyo kuwa heer dowlad goboleed. Ilaalinta iyo meelaynta agabka iyo xogta Wasaaradda ee Waaxda

Waa Kuma Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga? Waaxda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, waxaa agaasime ka ah Yaxye Cumar Xersi, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha qorshaynta, maamulka deegaanka, siyaasadda iyo qaab-dhismeedka, maamul-daadejinta iyo horumarinta reer miyiga, maamulka suuban, maaraynta xafiisyada, xallinta khilaafaadka, iyo tayaynta, waxaa uuna jaamacadaha heerka 1-aad iyo 2-aad ka heystaa cilmiga maamulka iyo maareynta. Agaasime Cumar waxaa uu heystaa wax ka badan 15 sano oo khibrad ahna u soo ahaa wuxuuna soo noqday Madaxa Kooxda Codsadaha iyo CV-yada guddiyada Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka & Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Name: Yahye Omar Hersi Title: Director of Local Government, Decentralization and Rural Development Department E-mail: [email protected]