Waaxda Arrimaha Bulshada Waaxda Arrimaha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa ay ka mid tahay waaxyada ugu muhiimsan ee wasaaradda, waxaa ay leedahay qaybo kala duwan oo ay howlo kala duwan ku qabato sida: Odeyaasha dhaqanka, , wacyigalinta ,ururrada bulshada rayidka, xaquuqul insaanka iyo diriseynta.

Waajibaadka Waaxda Arrimaha Bulshada: Bixinta iyo Diwaangalinta Aqoonsiyada odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Diyaarinta Siyaasada iyo sharuucda lagu dhaqo odayaasha dhaqanka Gacansiinta D/ Gobololeedyada Arr.Hor. Odoy. Dhaqanka & Arr. Bulshada U qareemidda iyo dhaqaale u raadinta Odoyaasha dhaqanka.

Wacyigelinta dib u heshisiinta iyo Dariseynta Bulshada. La shaqaynta iyo gacansiinta waaxyahaha kale ee wasaaradda. Tababarida iyo kobcinta tayada shaqaalaha waaxda Tababarka, iyo kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta odayaasha dhaqanka Diyaarinta qorshaha dariseynta gobolka Banaadir

Xalinta khilaafaadka ka dhex jira dariseynka gobolka banaadir La socoshada xaaladaha Xaquuqul Insaanka La socoshada dadka baahiyaha gaarka qaba ee Soomaaliyeed. wacgigalinta Dib u heshiisiinada Wasaraddu wado Xiriirinta iyo Saamaynta hindise sharciyeedka ururada Bulshada Rayidka. Waa Kuma Agaasimaha Waaxyada Arrimaha Bulshada:

Waaxda arrimaha bulshada waxaa agaasime ka ah Muse Abshir Cabdi, waxaa uuna ka tirsan yahay khubarada wasaaradda arrimaha gudaha, , isaga oo ka shaqeynayey wasaaradda muddo 43 sano ah, waxaa kale oo aqoon u leeyahay sameynta miisaaniyadda dowlaha hoose, dhismaha dowlad goboleedyada, doorashooyinka.

Wasaaraddan, marka laga soo tago waaxdan, waxaa uu agaasime kasoo noqday waaxyaha maamulka, dib u heshiisiinta, lajo jeer oo arrimaha bulshada ah, waxaa kale uu soo noqday Isku duwaha dowlaha hoose ee Shabeellaha, iyo agaasimaha waaxda canshuurdaha qeybta bari.