Machadka Qaran horumarinta Dowladaha Hoose

Machadka qaran ee horumarinta Dawladaha Hoose (NGLI), waxaa la aasaasay sanadkii 2015, waxaa uuna ka mid yahay wasaaradda arrimaha gudaha. Machadkan, waa qorshe qaran oo kor loogu qaadayo, laguna awoodsiinayo tababarada iyo tayaynta heerarka kala duwan ee dowladaha hoose qaybahooda ku yimid doorashada iyo howlwadeenada ka shaqeeya dowlaha hoose . Si taasi loo gaarana, xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya (XFS) gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshisiinta waxay ka shaqaysay sidii loo hormarin lahaa loona gaari lahaa yoolalka awood siineed ee Dowlada hoose, taas oo keentay in la aas aaso machadka qaran ee horumarinta dowlaha hoose. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MOIFAR) oo ka tirsan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, waxaa loo igmaday inay hoggaamiso, hormarisana dhammaan siyaasadaha iyo habraacyada dhaqangelinta ee khuseeya ee Machadka Dawladaha Hoose ee Qaranka (NGLI) iyo sidoo kale hubinta hay’adeynta, isku-dubbaridka iyo jaan-goynta qorshayaasha kala duwan ee tababarrada ee dawladaha hoose ee dalka oo dhan. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa wada shaqayn dhaw iyo dadaal wadajir ah oo lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir iyo sidoo kale taageerada la-hawlgalayaasha fulinta (UN-JPLG), Machadka waxaa ku howlan yahay bixinta barnaamijyo tababar oo la isku dubariday oo midaysan masuuliyiinta dawladda hoose, kuwa farsamada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee la soo doortay iyo sidoo kale daneeyayaasha kale ee ay khusayso.

Machadka Qaran ee Dowladaha Hoose, Ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah: Bixinta tababarro lagu buuxiyo baahiyada dowladaha hoose, iskaashi, kordhinta fahamka dowladaha hoose iyo in la horumariyo oo la joogteeyo maamul iyo nidaam maamul oo tayo leh iyo tas-hiilaad hawleed Howlahan, si ay u fulaan waxaa ka shaqeyn doona gudiga sare ee Maamulka Machadka Qaran oo ka sided xubnood gaar ahaan xubnaha fulinta oo agaasimaha guud machadka Qaran hormuud ka yahay. Waa Kuma Agaasimaha Machadka Qaran horumarinta Dowladaha Hoose? Machadka Qaran ee dowladaha hoose waxaa agaasime ka ah Cumar Maxamed Caalim, oo isaga u shaqeynayey wasaaradda muddo 20 sano ku dhow, leh khibrad shaqo oo soo socotay tan iyo 1979-kii, waxaana uuna lix jeer horay agaasime waaxeed uga soo noqday wasaaraddan iyo midda amniga, isaga oo latalin iyo hey’adaha kale oo gaar ahna kasoo howlgalay. Cumar Maxamed Caalim, waxaa uu bartay cilmiga maamulka iyo maareynta oo heerka 2-aad iyo midda 1-aadba ah ee jaamacadda ah iyo xataa heer Diplomaba, xarumaha uu wax kusoo bartay waxaa ka mid ah Jaamacadda Kampala, Jaamacadda Indian Ocean iyo machadkii SIDAM. Waxaa uu qayb ka ahaa xubnihii kasoo shaqeeyay diyaarinta miisaaniyada dowlada sanadkii 2008 taas oo lagu qabtay dalka Ethiopia, kasoo shaqeeyey arrimaha doorashooyinka iyo federaalka, waxaa uu gudoomiyaasha degmooyinka kusoo tababaray Uganda, kampala iyo shir IGAD ee arrimo horumarinta Bulshada ee Dhaqanka ee Hay’adaha aan dowliga ahayn

Xiriirka Machadka iyo Agaasinka: Cumar Maxamed Caalim [email protected]