- April 15, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Koonfur Galbeed, Kulamada, Wararka

Baydhabo 13-16 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa si rasmi ah usoo xiray Kulanka Aqoon Iswaydaarsiga Khibradaha Iyo Dib-u -eegisnta horumarka dadaallada Xasilinta ee Ha’yadaha Dowladda ee labada heer.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa looga arrinsaday wadaagista Xogaha, waxyaabaha laga bartay dedaallada Xasilinta iyo Isku xirka Arrimaha Xasilinta.
Kulanka oo ka dhacay qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta kmg Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibada caalamiga ah ee Soomaaliya.