Taariikh Nololeedka Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Waa Mudane Ilyaas Cali Xasan.
Mudane Ilyaas, waxaa uu heystaa khibrad dowladnimo oo xagga baarlamaani ah, waxaa uuna kusoo takhasusay sharciyada xuquuqul insaanka, ganacsiga, iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha banii’aadamnimada.
Inta aanu noqon wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Mudane Ilyaas waxaa uu ahaa Senator ka tirsan baarlamaankii 10-aad isaga oo madax kasoo noqday guddiyo kala duwan sida guddiga kheyraadka, dhaqaalaha, gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Mudane Ilyaas Cali, waxaa kale uu ahaa xogheyaha arrimaha dibadda ee xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran.