Shaqada Wasaaradda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa ay ka mid aheyd lixdii Wasaarad ee lagu bilaabay xilligii maamulka Daakhiliyadda 1956-dii.

 

Xorriyaddii kadib, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa lagu dhisay sharciga la baxay “Ordinamendo governo” kaas oo soo baxay Juunyo 3, 1962.

 

Waxaa xusid mudan in shaqadeeda la badalay 1977-1984, iyada oo laga dhigay wasaaradda Dowlaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga balse waxaa lasoo celiyey magacii hore 1984-tii kadib markii la dhaqan geliyey sharciga lambar 30 ee soo baxay 30.07.1984, waxaa shaqada Wasaaradda ee sharcigaas ku xusnaa sidan:

  1.   Howlaha habeynta iyo horumarinta maamulka gobollada iyo degmooyinka.
  2. Horumarinta nolosha bulshada reer miyiga ah.
  3. Kormeerka iyo ilaalinta howlqabadka dowladaha hoose iyo hey’adaha kale ee gobollada iyo degmooyinka.
  4. Ilaalinta sugidda nabadgalaya iyo xasiloonida guud ee dalka gudahiisa.
  5. Taakuleynta ciidamada ka difaaca qaranka weerarada dibadda.
  6. Maamulka jinsiyadda
  7. Kormeerka iyo ilaalinta xabsiyada dalka.

Waxaa Hoos Iman Jiray:

 

  • Maamulka iyo degmooyinka dalka marka laga reebo gobolka Banaadir.
  • Ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
  • Nabad sugidda.
  • Ciidanka asluubta.

Hadda, Soomaaliya waa dal federaal ah, iyada oo lagu shaqeeyo dastuur KMG ah oo la ansixiyey August 1, 2012-kii.

 

Wasaaradda magaceedu waa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta, howlaha loo xirsaaray waxaa ka mid ah:

  • Hirgalinta hannaan Federaal ah oo shuruucdiisa u dhameystiran tahay.
  • Dhisidda Goleyaasha Deegaanka, horumarinta Dowladaha Hoose iyo tayaynta Golayaasha deegaanka.
  • Hogaaminta wadaxaajoodyada, dib-uheshiinta, xalinta qilaafaadka bulshada iyo midda siyaasadeed.
  • Dhameystirka Dowlad Goboleedyada, Maqaamka Muqdisho, Xadaynta Soohdimaha, iyo Shuruucda la xiriirta.
  • Kobcinta xiriirka Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka
  • Ruqsad-siinta Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kormeerka wax qabadkooda
  • Maaraynta, nidaaminta, dib usoo celinta/dib u dajinta, u helida xal waara qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed.
  • Samaynta iyo fulinta Qorshaha Xasilinta Dalka.
  • Qorshaynta iyo Fulinta Hanaanka Xiriirka Wargelinta Bulshada.
  • Horumarinta dimuquraadiyadaynta dalka.
  • Horumarinta iyo tirakoobka reer miyiga guud ee dalka.
  • Taakuleynta iyo taageridda hay’adaha qaran ee madaxa bannaan ee hoos yimaada Wasaaradda.
  • Xoojinta xiriirka & iskaashi u dhaxeeyo Wasaaradda iyo Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee shaqo wadaagga la ah Wasaaradda.
  • Awoodaynta waaxyaha wasaarada iyo hay’adaha/maamulada hoos yimaada wasaaradda si ay u hirgaliso shaqada loo igmaday.
  • Diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo dib-u-eegista sharciyadii hore ee la xiriira wajibaadka Wasaaradda.
  • Abaabulka shacabka, abaalmarinta shaqsiyaadka iyo gudiyadda madaxa banaan ee Dalka u qabta shaqo qiimo gaar ah u leh Dalka iyo Dadka.
  • Dhameystirka sharuucda Jinsiyada iyo xal u helida Jinsiyad-laaweyaasha.
  • Hirgelinta nidaamka diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga dadweynaha.
Header_ttl_bg
Play Video