Taariikhda Wasiirka

Taariikhda Wasiirka Arrimaha Gudaha

August 2, 2022-kii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, isaga oo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta u magacaabay Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa uuna xilka la wareegay 13-kii isla bishaas.

 

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa uu heystaa khibrad dheer oo dowladnimada ah ee dhinacyada maamulka, maareynta iyo amniga.

 

Dhanka waxbarashada, wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu heerka koowaad uga baxay Jaamacadda Khartuum halka Master uu ka sameeyey International Islamic University ee Malaysia, waxaa uuna khabiir ku yahay arrimaha amniga, siyaasadda, maamulka, horumarinta bulshada, dib u habeynta hey’adaha dowliga ah iyo xuquuqul insaanka.

 

Mudane Axmed Macallim Fiqi, waxaa uu ka mid yahay mas’uuliyiinta usoo joogay sooyaalka dowlad dhiska, isaga oo qaranka ugu adeegay heerar kala duwan.

 

Muddada dheer ee wasiirka uu u soo shaqeeyey qaranka, waxaa jagooyinka uu qabtay ka mid ah:

 

  • Safiirka Soomaaliya ee Suudaan.
  • Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  • Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee 10-aad.
  • Wasiirka Amniga Galmudug.

Mudane Axmed Macallim Fiqi, hadda waa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalka iyo Dib u Heshiisiinta,oo ah hooyada wasaaradaha, soona jirtay tan iyo 1956-dii.