Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda

Idil Cabdi Maxamed
Agaasimaha Waaxda xiriirka iyo Warbaahinta waa Idil Cabdi Maxamed, waxaa ay ku takhasustay istaraatiijiyadda warbaahinta, iyada oo shahaadada Master dhanka warbaahinta ah ka qaadatay United States International University.
Agaasime Idil, waxaa ay heysataa khibrad 10 sano ka badan oo ay kasoo shaqeysay arrimaha Banii’aadnimada iyo siyaasadda geeska Afrika.
Inta aaney 2020-kii kusoo biirin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxaa ay lasoo shaqeysay Qaramada Midoobey xafiisyadeeda Kenya iyo Soomaaliya, waxay badanna kala shaqeysay arrimaha warbaahinta.
Agaasime Idil Cabdi, waxaa ay ku hadashaa 5 luqad, waxaa ayna leedahay halabuur dhinac walba oo xiriirka iyo warbaahinta ah.

Jamaal Yuusuf Xasan
Jamaal Yuusuf Xasan, waa agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda, waxaa uu leeyahay khibrad 8 sano xagga qorsheynta maaliyadda, xisaabaadka, dejinta miisaaniyadaha, hagaajinta akoonnada, diyaarinta warbixinnada qorsheynta maaliyadeed iyo iibka Adeegyada iyo Agabyada ah.
Agaasime Jamaal Xasan waxaa uu shahaado jaamacadeed oo heerka 2-aad ka heystaa Maamulka iyo Maareynta (MBA) iyo heera 1-aad ka oo ah xisaabaadka iyo maalgelinta ganacsiga.
Agaasimuhu waxa uu wasaaradda kala soo shaqeeyay dhanka Maamulka Maaliyadda laga soo bilaabo 2014 ilaa Feberaayo 2021 asagoo ahaa khabiir Maaliyadeed ee Mashruuca Taageerada Xasilinta (S2S). 2021 ilaa hadda waa Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda, waxa uuna horumar fiican ka sameeyay howlaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda.
Agaasime Jamaal waxaa uu CIPFA ka haystaa shahaaddo la xiriirta maaliyadda guud iyo xisaabaadka heerka 1-aad, isaga oo sidoo kale xubin Ardaynimo ka ah Ururka Xisaabaadka ee ACCA.

Cabdinaasir Xaaji Maxamed
Waaxda Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa Agaasime ka ah Cabdinaasir Xaaji Maxamed, waxaa uu heystaa in ka badan 35 sano khibrad u leh arrimaha udub dhexaad u ah Federaalka, Dib-u-heshiisiinta, Doorashada Dadweynaha, Maamulka Ganacsiga, iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale ahaa lataliye.
Agaasimaha waxa uu shahaado heerka labaad ee jaamacada ka haystaa xiriirka Caalamiga iyo Diblomaasiyadda, waxaa uu ku dhawaad 10 sano daraasaado badan ka sameeyaya arrimaha la xiriira Nidaamka Dowladaha (Governmental Systems) gaar ahaan nidaamka Federaalka, Dimuqraadiyeynta iyo Doorashooyinka.

Muse Abshir Cabdi
Waaxda arrimaha bulshada waxaa agaasime ka ah Md. Muuse Abshir Cabdi, waxaa uuna ka tirsan yahay khubarada wasaaradda arrimaha gudaha, , isaga oo ka shaqeynayey wasaaradda muddo 43 sano ah, waxaa kale oo aqoon u leeyahay sameynta miisaaniyadda dowlaha hoose, dhismaha dowlad goboleedyada, doorashooyinka.
Wasaaraddan, marka laga soo tago waaxdan, waxaa uu agaasime kasoo noqday waaxyaha maamulka, dib u heshiisiinta, lajo jeer oo arrimaha bulshada ah, waxaa kale uu soo noqday Isku duwaha dowlaha hoose ee Shabeellaha, iyo agaasimaha waaxda canshuurdaha qeybta bari.

Cabdiqani Maxamed Wehliye
Waaxda diiwaangelinta madaniga ah waxaa agaasime ka ah Cabdiqani Maxamed Weheliye, oo khabiir ku ah software-ka iyo nidaamka asteynta juquraafiga ah. Waxaa uu heystaa khibrad shaqo ah oo in ka badan 10 sano uu u adeegayey dowladnimada, isaga oo wax badan kasoo qabtay arrimaha dib u dhiska diiwaangelinta madaniga ah, nidaamka tirakoobka, xuduudaha federaalka ah iyo arrimo kale.
Agaasimaha wuxuu kasoo baxay kuliyadda Computer Software Development and Automation Systems ee Jaamacadda Belgorod State Technological University.

Abshir Macalim Maxamed
Waaxda Aarkifiyada waxaa agaasime ka ah Abshir Macalin Maxamed (Dhiblawe), oo khabiir ku ah Darasaadka Horumarinta iyo Maamulka. Waxaa uu heystaa khibrad shaqo ah oo in ka badan 9 sano uu u adeegayey dowladnimada, isaga oo wax badan kasoo qabtay arrimaha xalinta khilafaadka iyo dib u heshisiinta, Federaalka, Xiriirka iyo Warbaahinta , Nabadda Dhiska ,Maamul wanaaga iyo arrimo kale.
Xilalka uu kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta waxaa ka mid ah Madaxa qaybta Mac-hadka Nabada Agaasimaha Waaxda Federaalka iyo Xiriirka Dowlad goboleedyada ,Agaasimaha Waaxda Xiriirka & Warbaahinta iyo Agaasimaha waaxda Aarkifiyada oo hada uu hayo.
Sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyay hay’adda Eye for horn of Africa ee qaybta Soomaaliya waxaa uuna kasoo noqday Isuduwaha mashariicda.
Agaasime Abshir Macalin, waxa uu uu haystaa shahaadada Master Development Studies uu ka qaatay Jaamacadda Caalamiga ah Daffodil, Bachelor Public Administration, iyo Diploma dhanka Statisikada iyo Cilmi baarista iyo mid kale kormeerka & qiimeynta iyo kuwo kale.

Bahja Maxamed Xiirey
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Tababarada, iyo Kormeerka, Marwo Baxjo Maxamed Xiirey, waxaa ay aqoon fiican u leedahay diinta Islaamka iyada oo soo baratay, kana qeybgashay siminaaro badan oo la xiriira.
Agaasmise Bahjo waxaa ay wax kusoo baratay Jaamacado kala duwan sida Madinah international University Malaysia iyo Universiti Teknologi Mara.

Yaxye Cumar Xersi
Waaxda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, waxaa agaasime ka ah Yaxye Cumar Xersi, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha qorshaynta, maamulka deegaanka, siyaasadda iyo qaab-dhismeedka, maamul-daadejinta iyo horumarinta reer miyiga, maamulka suuban, maaraynta xafiisyada, xallinta khilaafaadka, iyo tayaynta, waxaa uuna jaamacadaha heerka 1-aad iyo 2-aad ka heystaa cilmiga maamulka iyo maareynta.
Agaasime Cumar waxaa uu heystaa wax ka badan 15 sano oo khibrad, wuxuuna soo noqday Madaxa Kooxda Codsadaha iyo CV-yada guddiyada Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka & Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Cumar Maxamed Caalim
Waxaa uu agaasime ka yahay Machadka Qaran ee dowladaha hoose, wuxuu ka shaqeynayey wasaaradda muddo 20 sano ku dhow, leh khibrad shaqo oo soo socotay tan iyo 1979-kii, waxaana uuna lix jeer horay agaasime waaxeed uga soo noqday wasaaraddan iyo midda amniga, isaga oo latalin iyo hey’adaha kale oo gaar ahna kasoo howlgalay.
Agaasimaha waxaa uu bartay cilmiga maamulka iyo maareynta oo heerka 2-aad iyo midda 1-aadba ah ee jaamacadda ah iyo xataa heer Diploma, xarumaha uu wax kusoo bartay waxaa ka mid ah Jaamacadda Kampala, Jaamacadda Indian Ocean iyo machadkii SIDAM.
Waxaa uu qayb ka ahaa xubnihii kasoo shaqeeyay diyaarinta miisaaniyada dowlada sanadkii 2008 taas oo lagu qabtay dalka Ethiopia, kasoo shaqeeyey arrimaha doorashooyinka iyo federaalka, waxaa uu gudoomiyaasha degmooyinka kusoo tababaray Uganda.

Cabdiraxmaan Xaashi Faarah
Waxa uu Agaasime ka yahay Waaxda Dib u Hishiinsiinta, waxaa uu leeyahay khibar la xiriirta dhismaha nabadda iyo daraasaadka horumarinta iyo hoggaaminta.
Agaasime Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, wuxuu shahaado jaamacadeed heerka 1-aad ka heysta waxbarashada, isaga oo shahaadada 2aad ka wada arimaha xallinta khilaafaadka iyo dib u heshisiinta wuxuu kalo ka qeyb galay tababaro xirfadeed iyo siminaaro lagu baranayay dib u dhiska iyo horumarinta colaadaha kadib, nabadeynta, maamulka iyo maareynta iyo sidoo kale maamul wanaaga.

Mukhtaar Jaamac Sugaal
Agaasimaha waaxda xalka waara, waa Mudane Mukhtaar Jaamac Sugaal, waxaa uu heystaa khibar 12 sano ah oo nidaamka dowliga ah, waxaa horay ugaso Shaqeeyey Agaasinka Department of Commission’s Support, Local Government Administration, lataliye saree ee Qorsheynta iyo hey’ado kale oo local ah.
Waxaa jaamacadda heerka 2-aad ka heystaa Peace Governance and Development, isaga oo heerka 1-aad ee jaamacadda ku diyaariyey maamulka iyo maareynta.

Xanafi Cabdi Cali
Waaxda Hay’Adaha Aan Dowliga Ahayn waxaa agaasime ka ah Xanafi Cabdi Cali, tan iyo 2014-kii, waxaa uu wasaaradda kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan sida agaasimaha horumarinta reer miyiga, agaasimaha waaxda dowladaha hoose, maxdaxa saadka ee wasaaradda, maaliyadda.
Agaasime Xanafi waxaa uu maamulka iyo maareynta uga baxay jaamacadda SIMAD, waxaa uuna shahaadooyin kale ka heystaa macaahid caalami ah.