Sharciga Wasaaradda

Sharciga ay Ku Shaqeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaarad walba oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo  xukuumadda waa in ay ku shaqeyso sharci, wasaaradda Arrimaha Gudahana kama reebana, oo waxaa ay ku howlgashaa sharci.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha markii hore waxaa lagu dhisay sharciga la baxay “Ordinamendo governo” kaas oo soo baxay Juunyo 3, 1962.

 

Inkasta oo muddo 8 sano laga badalay magacii ay ku shaqeyn jirtay, oo loo bixiyey “Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga”, hadana mar kale, waxaa dib lagu soo celiyey magaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha xeer madaxwayne JDS lambar 14 ee 15 Maarso 1984. Tan iyo maalintaas waxaa ay ku shaqeysaa xeerkaa iyo lagu dhisay sharciga lambarkiisu yahay 30 ee soo baxay 30.07.1984

 

Waxaa Xeerkaas 84-tii ku xusnaa:

 

Wasaaradda Arimaha Gudaha ayada oo raacaysa talooyinka iyo amaawiirta,  waxaa ay ku shaqayn doontaa howlaha looga xilsaaray sharci lambar 30 ee soo baxay 30.07.1984 ee ku saabsan dhismaha Wasaaradda iyo howlaha kale ee xeerarka ee u xilsaan yahay .

 

Hadda, Soomaaliya waa dal federaal ah, Wasaaradda magaceedu waa wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyada oo lagu shaqeeyo dastuur KMG ah oo la ansixiyey August 1, 2012-kii.