Xarig Jarka Xarunta NIRA Ee Laascaanood

Laascaanood 13 April 2025; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta hay’adda diiwaangalinta aqoonsiga dadweynaha ee (NIRA), oo xarun cusub ku yeelan doonta Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Xaruntaan ayaa bulshada deegaanka u qaban doonta adeeg muhiim ah, iyagoo ka heli doonaan Kaarka aqoonsiga Qaranka (National ID) waxaana ay ka baaqsan doonaan in adeeggaan ay safar dheer u galaan.

“Qofka Muwaadinka ah waa in la diiwaan galiyo, oo uu aqoonsi helo, waana qodob Dastuuri ah, marka xaqiiqdaas ayaa uga curatay reer Khaatumo deegaanada maamulka, waana ku faraxsanahay in Madaxweynuhu noqdo qofkii ugu horreeyey ee la diiwaan galiyo”. ayuu yiri ra’isul wasaaraha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee safarka shaqo kujooga Laascaanood.