Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga U Fadhiya Soomaaliya

Muqdisho 06 Feb 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac, geeddi socodka Dowlad Dhiska Soomaaliya iyo arrimaha gargaarka.