Wasiir Fiqi Oo Khudbad La Xiriita Xaaladda Gudaha Dalka Ujeediyay Qurbajoogta Soomaaliyeed

 

 

Muqdisho Luulyo 10,2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khubad la xiriirta Xalaadda dalka u jeediyay Qurbajoogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Meertada 2-aad ee Sharwaynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Wasiirka ayaa Qurbajoogta u sharxay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka dhanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta, Arrimaha Xasilinta Goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta iyo  Geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay waxqabadka qurbajoogta Soomaaliyeed iyo muujinta kaalintooda ku aadan dhismaha dalka iyo dhan kasta oo horumar ah.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurbajoogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurbajoohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh oo ay uga qaybqaateen maalgashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.