Madaxwaynaha JFS Oo Ubax Dhigay Taallada Dhagax-tuur

 

 

Muqdisho Juun 26, 2023;Maxadawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud ayaa Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur oo astaan u ah halganka dalka Soomaaliya looga saaray Gumaystaha.

 

 

Munaasabadda Dhagax dhigga waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada ah ee qaybta ka ah xubnaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda, Guddooomiyaha Gobolka Banaadir iyo shacab Soomaaliyeed oo halkaasi u yimid in ay ka qaybgalaan munaasabadda.

 

 

Ubax Dhigga Taallada Dhagax-tuur ayaa qayb lexaad leh ka ah fantasiyaha Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juun iyo 1-da luulyo oo socon doona muddo todobaad ah oo loogu magic daray Todobaadka Xorriyadda.

 

 

Xalay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Munaasabad heerkeedu sarrayso oo loogu dabbaal dagay 26 juun, waxaana kasoo qaybgalay Masuuliyiinta ugu sarreeya dalka sida; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Raysal wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.