Wasiir Ashkir Oo Uganda Uga Qaybgalay Shirka Xalalka Waara Ee Qaxootiga.

 

 

Kampala, Uganda Juun 16, 2023 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane C/xakiin  Ashkir ayaa Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda uga qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee Xalalka Waara ee Qaxootiga dalka Geeska Africa iyo Galbeedka Wadamada Africa.

 

 

Shirka ka furmay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirro ka socda dalalka galbeedka iyo geeska Africa oo ah kala Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka ee Wadamadaas.

 

 

Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane C/xakiin Ashkir oo Shirkaasi ka jeediyay Khudbad ayaa sheegay ahmiuyadda ay leedahay in dalalka Africa ay ka wadatashtaan in xal waara loo helo qaxootiga soo galaya guud ahaan wadamada qaraadda Africa, gaar ahaan dalalka Geeska iyo Galbeedka Africa.