Wasiir Fiqi Oo Ka Warbixyay Qorshaha Dowaladda Ee Dib-u-xoraynta Ka Dib

 

 

Oslo Norway, Juun 13, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiisinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay Madasha Oslo Forum ayaa ka warxbiyay Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dib-u-xoraynta ka dib.

 

 

Wasiir Fiqi ayaa ka qaybgalayaasha Madasha u faahfaahiyay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dib-u-xoraynta Dalka iyo sida ay Dowladda Guulo uga gaartay Kooxda Khawaarijta, iyadoo Dowladda abaabushay dadka deegaanka kuwaas oo si dhaw ula shaqayay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo guulo taariikhi ah ka gaaray cadawga.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ka qaybgalayaasha Madasha Oslo Arrimaha Xasilinta, dedaallada soo kabashada gooobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.