Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo ah hooyada Wasaaradaha, isla markaana qaranka u leh hortabinno ay ka mid yihiin; Doorashooyinka, Xasillinta, Federaalenta, Dib u heshiisiinta, Diiwaangelinta Qaranka iyo howle kale isla markaana ay ka farcamaan Guddiyo iyo Hey’ado Qaran waxaa muhiim u ah in ay lahaado waax weji u noqota farriimahaas, isla markaana ka shaqeysa kor u qaadista sharciyadda Wasaaradda iyo midda dowladaha iyo in shacabka ku kalsoonaadaan howlaha. Waa Waax guddoomiso guddiyeyaal qaran isla markaana leh awood shaqaale iyo mid qalab oo muhiim u ah Wasaaradda iyo Dowladnimada.

 Waaxda waxay door muhiim ah ka ciyaartaa:

 

  1. Guddoominta Guddiga Xasiilinta iyo Xiriirka Dowladda Federaalka ah; kaas oo qaablisan iskuduwnidda iyo mideynta farriimaha dowladda ee Xasillinta.
  2. Tabaridda iyo Qalabeynta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Gobeelyada dalka, iskuduwidda fariimaha labada heer ee dowladda.
  3. Tababaridda Waaxyaha Warbaahinta ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalaka ah ee Soomaaliya.
  4. Tabaridda Wabaahinta iyo Xiriirka ee Ciidanka Xoogga Dalka.
  5. Wacyigelinta ololeyaasha iyo Farriimaha Doorashooyinka.
  6. Baahinta waxqabadka iyo shaqo maalmeedka Wasaaradda.
  7. Xoojinta Xiriirka Dadweynaha iyo Wasaaradda sida; Dhisidda iyo ilaalinta sumcadda Wasaaradda gudaha iyo dibaddaba.
  8. Qaabeynta iyo fulinta wacyigelinnada iyo ololeyaasha Wasaaradda ee Federaaleynta, maamul-dhiska, Dib u heshiisiinta iyo howlaha kale.
  9. Baahinta Siyaasaha iyo sharciyadda Wasaaradda, kalsooni-dhiska, kor u qaadaa hufnaanta, iyo maareynta Xasaraha
  10. Gudbinta Farriimaha Odeyaasha Dhaqanka.

Shaqada:
1. Maamulidda qeybta warbaahinta ee dhammaan munaasabadaha, kulammada iyo shirarka ay ka qabato ama ay qeyb ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
2. La socodka iyo tabinta falcelinta kulamada iyo munaasabadaha kadib.
3. Qoriska war saxaafadeedyada, war murtiyeedyada iyo arrimaha la xiriira.
4. Qoriska khudbadaha hoggaanka wasaaradda, oo ay ugu horreeyaan wasiirrada iyo agaasimaha guud.
5. Naqshadeynta muuqa dadweynaha lagu gaari lahaa sida astaamaha, boorarka, xayeysiiska tabeelayaasha, sameynta kalandarada, bug yaraha iyo dhammaan noocyada kala duwan ee isgaarsiinta daabacan, oo ay ku jiraan flyers iyo brochureska.
6. Ururinta warar, waxbixinnada iyo dhammaan arrimaha baahinda u baahan, tifaftirkooda, kadib ku baahinta baraha bulshada ee wasaaradda iyo u qeybinta hey’adaha warbaahinta.
7. Duubista, baahinta iyo keydinta dhammaan wararka, warbixinnada, kulamada wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
8. Maamulidda Website-ka wasaaradda arrimaha gudaha iyo hey’adaha la mid ah.
9. Sawir qaadista iyo arrimaha la xiriira muuqaal jarjarista oo halabuur leh.
10. Hagidda rayucaamka ee ku aaddan shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta. .
11. Howlaha la xiriira luqadda sida Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.
12. Talo-bixinta maamulidda xafladaha iyo kulamada. .
13. Xiriirka beesha caalamka.
14. Arrimaha la xiriira Outreach-ka
15. Xiriirka dadweynaha iyo muuqaal wanaagga wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
16. Adkeynta xiriirka wasaaradda iyo warbaahinta
17. Adkeynta xiriirka wasaaradda iyo hey’adaha ologga la ah ee maamul goboleedyada iyo saxiibada beesha caalamka.
18. Maamulidda dhibaatada soo wajaha wasaaradda, gaar ahaan kuwa khuseeya muuqaalka wasaaradda ee warbaahinta.